Wadankeenna Soomaaliya sannadwalba waxaa isaga soo dabanoqda musiibooyin abaareed iyo daadad daba socda. Daadadkuna waxay yimaadaan ayadoo dadkii iyo duunyadiiba abaartu si daran u nugleysey. Kadibna waxaa uga sii dara cudurada ka dhasha musiibooyinkaas oo ay ka midyihiin: shuban-biyood, daacuun, malaariyo, nafaqa-darro, iwm.

Hadaba ayadoo ay dacdooyinka musiibooyinku ay xag rabbi tahay ayaa waxaa jirta ku talagal la’aan iyo diyaargarow la’aan aan cidna loogu graabi karin, loona baahanyahay in eeddeeda cidi garabka saarato. Taasna waxaa looga baahanyahay in xukuumaddu si ku talagal ah u diyaariso qorshe lagu maareeyo masiibooyinka soo noq-noqda ayadoo u qoonddeyneysa mashruuc tafatiran oo lagu maareeyo.

Warbixin ay diyaarisay hey’adda SWALIM oo hoos tagta FAO waxay ku warbixisay in abaaraha Soomaaliya ay dhacaan xilliwareeg (time cycle) u dhaxeeya 3-4 sanadoodba mar. Daadadkuna waxay dhacaan, 2-3-dii sannadooba mar. Hadaba Bal malee: haddii    2-dii ama 3-dii sannadoodba mar cadow ku soo weeraro, oo dadka kaa laayo asaga oo aan u aabayeeleyn caruur, waayeel, iyo haween, asagoo deegaanno dhan kaa burburinaya, oo beeraha iyo xoolahaba baab’inaya, oo hadana sababo cudurro israaciya dadkii iyo duunyadii uu hore u ragaadiyey?

  • Soo caqliga saliimka ihi ma keeni laheyn inaad difaac ciidaan dhisato, oo aad diyaariso saadkooda,  saanaddooda, iyo gaadiidkooda?
  • Soo ma aadan dhigi lahayn difaac adag marinnada cadawgaasi ka soo galo si aadan u kabash-kabashleyn markey wax dhacaan?
  • Soo ma aadan dhisi lahayn xaruumo iyo saldhigyo la dhigo raashinka iyo dawada loo baahankaro?
  • Soo ma aadan dhisilaheyn xaruumo caafimaad oo lagu dabiibo dhaawaca ka dhalan kara ka hortagga mussiibadaas baaxadda leh?

Maareynta Daadadka:

Daadadku waxay leeyihiin dabeecado la fahmikaro hadii si fiican loo darso. Tusaala ahaan, Baladweyne waxay ku taallaa dhul buuro iyo dooxooyin isugu jira, Buuruhu waxay abuuraan ama soo rogaan daadad, dooxooyinkuna waxay qabtaan daadadka. Waxaa jira marin-biyoodyo (water courses) ama biyo-roorayaal (watersheds) si dabiici ah oo nadaamsan biyahana isugu geeya dooxooyinka, si ay u noqdaan harooyin (lakes) ama balliyo (ponds).

Laakiin haddii aysan si dabiici ah u dhicin in si nadaamsan biyo rogayaashu dooxooyinka ugu biyo-shubaan, waxaa loo baahanyahay in la maareeyo biyahaas si habsami ahna loogu duwo dooxooyinka ay maraan iyo balliyada ama harooyinka ay fariistaan. Taas waxay u baahantahay saddex talaabo: 1) in la sameeyo sahan biyood (water source mapping) (a) meelaha biyuho ka soo baxaan  iyo (b) meelaha laga leexinkaro, iyo (c) meelaha lagu leexinkaro; 2) in la bilaabo sidii loo hoorsan lahaa biyaha (water harvesting) oo ah in la dhiso ama loo furo marinnadii ay biyuhu mari lahaayeen si ay ugu qolqulaan uguna aruuraan balliyadii ay geli lahaayeen; 3) in si joogta ah loo maareeyo ama loo maamulo kheyraadkaas biyaaha ummadana loogu qeybiyo  (water resource management & distribution) oo ay ku jirto dayactirka biyo mareennada (water course maintenance) iyo sidoo kale balliyada ama harooyinka.

Inta heerkaas laga gaarayo waxaa loo baahanyahay in loo diyaargaroobo daadadka joogtada ah, ayadoo la diyaarsanayo qalabka saadaasha cimilada iyo hawada ama (weather monitoring system), si loo odoroso xilli-roobaadyada kala duwan, waayo daadadka iyo abaaruhuba waxay ku xiranyihiin helista iyo la’aanta roobaabka.

Maareynta Abaaraha:

Sida warbixinta saadaasha SWALEM ay xustay, abaaruhu waxay waddankeenna ka dhacaan 3-4-tii sanoba mar. Sidaas darteed maadaama aan la hureyn abaaraha, waxaa loo baahanyahay in la diyaariyo goobo gar-gaar (aid centers) oo laga dhiso gobollada iyo deegaannada oomanaha ah (dry-land regions and districts) ee dalka. Si aan loo qeyladhaamin marka musiibadu timaaddo, waxaa loo baahanyahay in la sii keydiyo gar-gaarka ay dadku u baahandoonaan sida: raashin nafaqa leh iyo dawo diyaar ku ah goobaha gar-gaarka. Goobahaas dhexdooda waxaa laga dhisi karaa goobo lagu baaniyo ama lagu xannaaneeyo (rehabilitation centers) hooyada iyo dhallaanka iyo waayeelka tabarta daran.

Gabangabo:

Haddii, hadaba intaas nalaka waayo, soo natiijadu ma ahan waawareey joogta ah iyo kabash-kabash aan cidina noogu graabin. Ugu yaraan tobankii sano oo ugu danbeysey wadanku wuxuu lahaa Hey’adda Maareynta Musiibooyinka. Inay jirtana waxaan ku soo baraarugnaa markey masiibo dhacdo oo aan qeyladhaanteeda maqalno. Hey’adaasu waxay shaqeysaa marka ay wax dhacaan oo kaliya, sida aan ilaa iyo hadda ku barannay. Markaasna gurmad bulsho oo gudaha iyo dibadda ah ayaa howsha inteeda badan qabta. Hadaba, su’aashu waxay tahay, musiibada ka hortag oo ka gaashaamo agenddaha ma ugu jirtaa? Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Balaayo daaman la qabto ayey leedahay, ee dabo laqabto ma laha.” Waxaa laga yaabaa in aad istiraaho dhaqaala xumo ayaa jirta. Laakiin maya, lacagta nooga baxda siyaasadda iyo musuqmaasuqa, derbiga weyn oo shiinaha (the Great Wall of China) mid la eg wey dhisikartaa.

Inta shacbiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku nool ay qaban karaan, oo hadaba inta wax qabata ugu badan, ayaa wax weyn dhisi karta. Laakiin waxaa meesha ka maqan ciddii qorsheyn laheyd oo maareyn laheyd mashaariicda aan soo sheegney oo si weyn loogu baahanyahay. Haddii intaas la helo, Soomaalidu waxay disankarilaheyd,  mashaariic maareysa musiibooyinka weyna isku tashan lahaayeen.Taasna waa kaalinta laga rabo in dowladda iyo guddiyadeedu ay ka soo baxaan, ama ay cidkale u wakiishaan. Dhinac kale haddii laga fiiriyana, ummadda Soomaalidu waxay u baahantahay in ay is-abaabusho waxna qabsato ayada oo aan waxwalba dowladda ka sugin inay qabato.

Sharif Osman

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here