Inkastoo ay waxbadan iska badaleen magaaladda Muqdisho ku dhowaad tobankii sano ee aan ka maqnaa, hadana waxaa jira waxyaabo igu cusub oo aan jirin waagii aan katagay. Waxaan qormadaydan ku soo koobayaa isbadalkaas igu cusub anigoo ka fiirinaayo dhinacyo kala duwan, sida: Ammaanka; Hurumarka sida, Waxbarashada; Ganacsiga iyo Teknoolajiyadda.

Ammaanka
Markii aan si fiican ugu fiirsaday, magaalada Muqdisho waxaa kajira ammaan si fiican u muuqda iyo ammaan darro aan muuqan. Ammaanka muuqda ee la taaban karo waxaa ka mid ah inaysan jrin xabbado micno darro ama dagaal dartii loo ridaayo. Arintan oo aad uga duwan markii aan katagaayay magaalada Muqdisho. Xabadaha waagaas waxaa loo maqli jiray sida dabaysha loo maqlo. Waxaa wax lagu farxo, mudanna in la sheego in aysan dhagahayga maqlin xabad dhacaysa mudadii labada sitimaanka ahayd ee aan joogay Xamar. Tan waa wax wayn oo isbadalay. Sidoo kale, askarta wadooyinka taagan wax wayn baa iska badaly. Askartani qoriga makugu fiiqayaan, kumana handadayaan. Qaarbaa aqoonsi ku waydiinaya; qaarna aqoonsi iyo shaah-waydiis bay isugu kaadarayaan. Mar aan aniga shaqsiyan ku iri askari bar koontarool taagnaa: “Labadooda (aqoonsiga & shaaha) ha isku darin isma qabtaane” wuxuu iigu jawaabay askarigii isagoo qoslaya: “Aqoonsiga bal keen.” Run ahaantii, markii aan ogaa kaftan & isla hadal u dhaxeen karaa qof qori wataa iyo qof shacab ah ma jirin. Waxaan kaloo aad ugu bogay in dadka intooda badani, waa shacab kee, aysan la socon ilaalo hub wata oo gawaaridooda u waardiyeenayay.

Waxaa kaloo muujinaya in ammaan muuqda uu Muqdisho ka jiro in dadka habeenkii ilaa iyo saqda dhexe ayay dukaamaystaan ama ‘baashaal’ ku gaaraan. Waqtigii aan wadanka ka tagay waxaa jiray dhaqan aan u bixiyay “Five to Five” oo ay ku dhaqmi jireen dadka qunyar socodka ah ee sideydoo kale u fikirijiray. Habdhaqankan wuxuu ahaa inaad gurigaaga joogto ugu dambayn 5ta galabnimo; aroortiina aad guriga ka kalahdaa 5ta aroornimo. Dhaqankan galab soo cid-galidda iyo goor hore jarmaadka ah waxaa nabaray duruufihii waagaas Xamar ka jiray. Waagaas (2006-2009) wixii 5ta galabnimo ka dambeeya waxaa billaaban jiray weerarro lagu qaadi jiray xarumaha ciidamada ajaanibta aha iyo meelkastoo ay magaalada ka deganaayeen. Haddii aadan waqti hore soo cid-galin, waxaa suurtagal ah inay wax kaa soogaaraan ama aad ku go’doonto goobtaada shaqo ama waxbarasho. Sidoo kale, waa inaad aroortii kalahdaa oo gurigaaga ka baxdaa 5ta aroornimo; waayo waxaa kugu soo kallahaya ciidamadii xalay jiifka lagu galay oo iyagana markooda dhalinyarada xaafadaha ka soo qab-qaban jiray.

Lakin haddeer 2018ka, nasiib wanaag, hoteellada; meelaha xafladaha; munaasabadaha ama isku immaatinka lagu samaysto iyo maqaayadaha dadku waa buux dhaafiynayaan iyagoo sheekaysanayo ilaa xilli dambe. Waxaad maqlaysaa, caawa halkaas bay ka ‘shidantahay,’ oo loola jeedo meel heblaayo ayaa caawa xaflad dhalinyaro ka jirtaa. Lakin, waxaan aad ula yaabay, meelahaas dhalinyaradu ku haasaawayaan oo inta badan xeebta meelo u dhow-dhow ah, waxay indhahaagu qabanayaan gabdho aad u cad-cad iyo rag madmadow ama maarriin ah. Waxaan is waydiiyay waxa gabdhaha Xamar kunool badankood cadeeyay oo walaalkeed oo xafladda u soo raacay ama willka la socdaana madoobeeyay. Sow labada jinsiba qoraxdaas kulul kuma wada dhacayso? Mar aan waydiiyay sababta waxaa la iigu jawaabay ereyo yara casri ah, sida: “Is jilci, saaxiib & Caadi iska dhig.” Waxaan u fahmay inaan aniga duqoobay ama aan hadda miyiga fog ee aan fidnada magaalada weli gaarin ka soo galay. Way ila yaabeen malaha. Yeelkadood, dheh. Lakin, anugba waan la yaabay; waayo markii aad albaaka ka soo gasho meelahaas ‘shidan,’ indhaha ayaa lagula raacayaa; oo aragtida ayaa lagugu dhamaynayaa. Indho-isku-dhamayskan kuma koobna qolooyinkan oo kaliya. Waxaa la wadaaga xitaa hoteeladda waawayn & meelaha aadka u mashquulka ah sida maqaayadaha oo kale.

Mar aan waydiiyay dhaqankaan is fiiriska qayaxan ah iyadoo magaalo la joogo, waxaa la i siiyay labo jawaabood: Waa midda koowaade, waxaa la igu yiri “Dadka cabsi ayay weli dareemayaan”. Tan waxaan u fahmay: ‘Paranoia’ ayaa jirta. Waxaan ula jeedaa haddii qofku dareemayo markastaa— isagoo xitaa xasillooni kujro—in qofkale uu u soo baxay inuu wax yeeleeyo gaarsiiyo ama wax u dhimo, markaa ‘Paranoia’ ayaa haysa. Lakin sida muuqata ismana oga oo indhaha ayuu hadba kula raac-raacayaa. Jawaabta labaadna waxay ahayd: “Miyigii iyo magaaladii waa is dhaxgaleen oo ‘Integration’ ayaa ka dhex dhacay.” Waxaa loola jeedaa dadkii waa isku milmeen; waana is aqbaleen oo badda ayay u sii wada dhawaadeen. Ha hilmaamin meelaha aadka loo buuxo Xamar waa xeebta agagaarkeeda. Si kastoo ay ahaataba, waxaa goobahaas ka jira ammaankaas muuqda.

Hadaba, aqristoow, intaas aan soo sheegay waxay la socdaan ama ay ka dhasheen ammaanka muuqda ee Muqdisho ka jira. Lakin ha qaldamin, si guud ammaankaas muuqda iyo bash-bashta la socotaa kuma wada baahsana magaalada oo dhan. Waxaa jira meelo ‘dansan’ oo aan ‘shidnayn.’ Labadaas erey horumarka cusub ayay la socdaan sida aan u fahmay aniga. Haddii aan si fudud kuu tilmaamo, marksatoo aad BADDA u sii dhowaato, waxaa ka jira ammaan kaas muuqda. Lidkeeduna waa la mid; oo markastoo aad badda ka soo fogaatana, ammaan darro aan muuqan baad u sii dhawaanaysaa. Ammaan darada aan muuqan aniga xitaa micnaheeda ma aqaan, lakin waa wax aad dareemayso ama lagu dareensiinaayo markii aad xeebta wax badan kasoo fogaato. Halkaan naga soo celi baa lagu leeyahay. Waxaan aniguba ugu wareeray sida aad adiga ugu wareersantahay haddeer, aqristow. Lakiin mid ogow, meelahaas badda kafog laftirkoodu xabado kama dhacayaan; wax hub wataa wadooyinka ma taagno, mooriyaan & jirri ku furanaya ma joogaan. Hadana sidaasoo ay tahay camirnanta; dukaamaysiga; iyo ‘baashaalka’ badda agteeda ayuu ku koobanyahay. Sababtuna waxaan aniga isleeyahay waxaa meelo qaas ah ku kooban maamulka dowliga ah iyo saamayntiisa. Sidaadaraadeed baa magaaladu labo muuqaal yeelatay oo kale ah: Ammaan muuqda oo la taaban karo iyo ammaan darro jirta lakiin aan muuqan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here