Horumarka:
Horumarka Muqdisho ka jiraa mid qarsoon ma ahan. Waxaad ka dareemaysaa gegida diyaaradaha iyo shaqada ka socotaa. Waxaa halkaa ka muuqday isbadel wayn oo xagga dhismaha ah. Haddii aad ka timid wadan horumaray, waxaa laga yaabaa inaadan dareemin isbadalka dhismaha garoonka Aadan Cadde International Airport ku dhacay. Lakin waxaa isbadalka fiican laga dareemi karaa shaqada ay hayaan dhalinyarada waaxda socdaalka iyo asluubtooda shaqo. Dhalinyaradani kuma xayirayaan; shaxaad-shaqeedna kuma waydiisanayaan. Qalabka ay ku shaqaynayaan iyo howshooda sida ay u qabsanayaan waa wax wayn oo lagu faani karo oo isbadalay inta aan wadanka ka maqnaa.

Marka aad gegida diyaardaha kasoo tagto waxaad dareemaysaa in Xamar wax walbaa si xawaare leh ku socdaan. Kaliya waxaanan xawaarahaas ku socon baabuurta; waayo wadooyinka qaar waxaa yaalla, waxa loo yaqaan ‘Askari-jiifa;’ qaarna waxaa si ‘zig-zaag’ ah loo dhigay fuustooyin ciid lagu soo dhaamiyay. Sidaa daraadeed, wuxuu gaariga u soconayaa sidii maskii oo si toosa ah uma soconkaro. Waxa kaliya ee sidii ‘xawaaraha diinka’ uga dhax dusi karaa wadooyinkaas fuustooyinka ciidda ku jiraa lagu qal-qaloociyay waa Mooto Bajaajka magaalada oo dhan qaaday. Wadooyinka qaarna— waa meelaha badda ka fog-e— waa bur-bursanyihiin oo xawaareyn maba jirto. Si kooban haddii aan wax kuugu sheego: Si guud wadooyin intooda badan waa la dhisay, lakiin gawaaridana si fiican uguma soconkaraan.

Marka laga soo tago baabuurtaas gaabiska ku socota iyo Bajaajka sidii diinkii dheereeya, waxaa jira waxyaabo kale oo xowli ku socda. Waxaa kamida ah: Dhismaha, Waxbarasha, Ganacsiga iyo Teknoolojiyadda:

Dhismaha magaalada Muqdisho wuxuu ku socdaa si muuqda oo xawaare leh. Waxaad arkaysaa wadada hareeraheeda iyo magaalada gudaheeda in dadku dhisanayaan. Waxaa la ii sheegay in dhimaha dabaqyada dhaa-dheer ay qaataan waqti kooban. Nin saaxiibkay ah ayaa igu yiri howsha dhismaha Xamar waa la ‘haw-hawiyaa.’ Waxa uu ula jeeday waa la boobsiiyaa. In dhismo ‘Haw- hawiskaas’ uu wax fiican tahay iyo inkale, inigu kolleey ma aqaan oo qabiir xagga dhismaha ah ma ihi.

Waxbarashada Muqdisho qaastan tacliinta sare si xowli ah ayay ku socotaa. Ma ogtahay in tacliintii sare ee sida dhibka ahayd lagu hiigsan jiray oo hebel waa ‘Jaamici’ la dhihi jiray, inaysan sidii hore ahayn! Tacliinta sare waaba lagaa daba-gaynayaa sida laguu wado si dhaqsi ah weliba. Markii aan ogaa ‘tacliin iska-daba-gayska’ wuxuu ku ekaa dugsiga dhexe. Haddeer, tacliinta sere ee Muqdisho waxaa sidii koobkii shaaha laaci kara qof kastaa oo isku daya. Sababtuna waxay tahay waxaa meelkastaa ka furan jaamacado. Mar aan waydiiyay in la billaabay in jaamacadaha la siiyo ‘shati’ waxbarasho ama in tayada waxbarashada la koontaroolo, jawaabtii iigu cajiibka badnayn ee aan maqlay waxay ahayd: “Haddii wax labaranaayo, waa ilaah mahaddii.” Waa run, waa ilaahay mahaddiis, lakin haddii aad ilaahaay aqoondarri caabuddo hadana aad itiraa “Haddii la cibaadaysanaayo, waa ilaah mahaddii,” tolow, ma isqabanayaan? Waxaan aniga ogahay haddii ummadi ‘Diinta, Daawada & Tacliinta’ qaldaan waxay soo saaraan jiilal qalloocan.

Ganacsiga magaala Muqdisho isaguna si xawaare leh ayuu ku socdaa. Waxaa dekedda Muqdisho lagala soo degaa konteenarro iyadoo si toos ah bakhaarka albaabkiisa la soo joojinaayo. Ma jirin horumarkaan markii aan ogaa. Waa mid cusub. Lakin gaariga/taleelaha wuxuu la soo cararaa konteenarka oo aan baabuurka ku dul xirnayn. Haddaan si kale kuugu sheego: Konteynarka wuu iska dul saaranyahay gaariga. Wuxuu la soo maraa kunteeynarkaas aan gaariga ku dul xirnayn wadadii aan soo timlaamay oo qaarna godadka ahaa, qaarna si dirqi ah lagu maraayay. Waa suurtagal inuu konteynarkaas ku soo dul dhaco gaari ama qof wadada dhinaceeda maraayo. Mar uu tareelahaas konteeynarka aan xirnayn sidaa uu nasoo dhinacmaray anaggoo gaari saaran ayaan darawalkii gaariga aan saarnaa k condsaday inuu naga istaajiyo ama aan iska daba soconno. Lakiin darawalkii wuxuu iigu jawaabay: “Meeshaan Xamaraa la dhahaa saaxiib, nolosha waa socotaa, wax la joojiyo ma jiraan.” Sidaasaa Alle anaga nagu mootiyay.

Midda kale, ganacsiga caadiga ah, sida kan qudaarta xitaa xawaare ayuu ku socdaa Xamar. Waxaad arkaysaa moos cagaar ah, hadna markii aad fiiqdo bisil. Dhadhanka mooskaas ma ahan mooskii Soomaaliya aan aqaanay aniga. Dhadhanka muuska wuxuu ahaa waxa aan tabay oo aan aadka hammuunta ugu qabay runtii. Lakin waxbaa ka qaldanaa dhadhanka muuska aan Muqdisho ku cunay. Markii aan waydiiyay waxa ja qaldan muuska, waxaa la iigu jawaabay ‘dag-dag’ ayaa lagu bisleeyay. Ma aqaan meesha loo dadajinaayo muuska iyo caafimaad darida uu keeni karo. Kolley waxaan hubaa in dhadhankiisu wax ka qaldanaayeen. Si kooban, ganacsiga Xamar xawaare ayuu ku socdaa lakin waxaa muuqata in ‘safety-ga,’ waa qatarka ka immankarta dhibta aan loo qasdin aan xisaabta lagu darin.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here